December 5, 2012 | Posted by admin

Dagaal ka Dhacay Galgala iyo Qarax lala eegtay ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 17 ka mid ah Dhinacyadii dagaalamay.

In ka badan 11 askari oo ka tirsan ciidmada Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen dagaal deegaanka Sugurre ee gobolka Bari xalay saqdii dhexe ku dhexmaray ciidamada Putland iyo Maleeshiyaad Islamiyiin ah oo ku suggan buuraleyda Galgala oo xirir la leh Al-shabaab iyo gaari ay saaraayeen ciidamada Puntland oo Qarax lala eegtay.

Wararka laga helayo degaankaas ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday ka dib markii Maleeshiyaadka Galgala ay weerar ku qaadeen, goob ay degaanka Sugurre kaga sugnaayeen ciidamada Puntland, oo qiyaastii 45-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan degmada Boosaaso.

Warku ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in dagaalka oo socday muddo laba saacadood, la isu adeegsaday gantaalada garbaha laga tuuro iyo boobayaal culus.

War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay Ciidamada Puntland ku dileen 7 ka mid ah kooxdii soo weerartay, 12 kale oo dhaawac ahna ay la baxsadeen.

Wasiirka Amniga ee Puntland Khaliif Ciise Mudan oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in gaari siday ciidan ka tirsan Puntland oo gurmad ahaan ugu socday ciidankii la weeraray ay miino la qaraxday, 10 ka mid ahna ay ku dhinteen.

Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay in laba ka mid ah Askarta Puntland ay sidoo kale ku dhinteen dagaalkii ka dhacay agagaarka Galgala.

Wasiirku waxa uu sheegay in Ciidamada Puntland ay iska difaaceen weerarkaasi lagu soo qaaday oo ay hub fara badan ka qabsadeen maleeshiyaadkii weerarka ku soo qaaday , firxadkoodiina ay ku raad joogaan

COMMENTS