September 7, 2014 | Posted by admin

Muuqaalka iyo qaabkii sida uu u dhacay weerarkii lagu dilay hogaamiyaha Alshabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa soo bandhigay warbaahinta dalkaas Mareykanka iyadoona ay faah faahin buuxda ay ka bixisay sida ay diyaaradahaas u fuliyeen weerarkaas.

Waraahinta dalkaas Mareykanka ayaa amrkii ugu horeysay waxaa ay soo bandhigtey qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu dilay hogaamiyihii Alshaabaab Axmed Cabdi Godane (Mukhtar Abu Zubeyr) oo dhawaantaan ay weerar ku dileen diyaaradaha aan la wadin ee Droneska oo ay weheliyaan diyaarado kale oo caadi ah ayaa waxay weerar ku qaadeen baabuur uu la socday hogaamiyahii Alshabaab iyagoona gantaalo culus ku garaacay baabuurkaas iyo wax alaal wixii dhaqaaqaayey ee ka dhawaa meeshaas baabuurkaas ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday oo lagu garaacay ilaa iyo 11 gantaal in ka badan oo isugu jirey kuwo culus iyo kuwo fudud iyadoona uu baabuurkaas iyo wixii la socdayba ay halkaas ku bas beeleen, Laakiin wasaraada gaashaan dhiga ee dowlada Mareykanka ayaa waxay ku dhiiran weysay inay ku dhawaaqda geerida hogaamiyahii Alshabaab iyadoona ay qaadatey ilaa iyo 4 maalmood inay xaqiijiyaan geeridiisa ka dib markii uu hawada ka baxay oo ay ka waayeen waxyaabo ay ka dhageysan jireen islamarkaana ay kala socon jireen dhaqdhaqaaqiisa iyadoo sidoo kale ay sirdoonka Mareykanku dhageysteen teleefanada qaar ka mid ah taageerayaashiisa oo ku sugan goobta uu weerarkaas ka dhacay oo ku sheegaaya ama ku wada hadlaaya inuu geeriyooday hogaamiyahooda.
//youtu.be/u-NHTTdc2rU
Ugu dambeyntiina iyadoo ay sidoo kale war rasmi ah oo ka soo baxay kooxda Alshabaab lagu xaqiijiyey inuu geeriyooday hogaamiyahooda islamarkaana ku dhawaaqay hogaamiye cusub oo badalay Axmed Cabdi Godane ayaa madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo ka hadlay weerarkaas lagu dilay Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa uu ku faanay inay meel walba ay ku ugaarsan doonaan cid walba oo qatar ku ah dalka iyo dadka Mareykanka, Geerida hogaamiyahii Alshabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxaan la ogeyn inay wax ka badali doonto dagaalada ay kooxda Alshabaab ay kula jirtey dowlada Soomaaliya iyo hogaamiyahooda cusub ninka lagu magacaabo Axmed Cumar Abuu-Cubeyda waxa uu la soo shir tagi doono, Sanadkii 2008 ayaa sidoo kale waxay ciidamada Marineeska ee dalka Mareykanaka ay dileen hogaamiyiih Alshabaab Macalin Aadan Xaashi Faarax Cayrow ka dib markii ay gantaalo ay ka soo rideen markab bada ku sugan ay ku garaaceen hoygiisa oo ku yaalay magaalada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud.

COMMENTS
  1. 1 ” equilateral triangles

  2. Outbreak populations of fall webworm can completely defoliate host trees. Healthy hardwoods usually survive and recover without permanent injury. However, several consecutive defoliations can cause dieback in the crown, and may contribute to the death of weak, declining trees.

  3. replica hermes ipad replica birkin bags for sale south africa fcwztmyo