February 7, 2013 | Posted by admin

Wiil lagu arkay mucjiso rabaani ah ayaa xalay ku dhashay Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho, iyadoo wiilkan aanu laheyn San iyo Af.

Sida ay sheegayaan wararka wiilkan ayaa saaka waabarigii ku geeriyooday Isbitaalka SOS, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada qoyska ay u dhasheen wiilka mucjisada ahaa.

“Walahi canugan mucjiso ayuu ahaa, wuxuu ku dhashay isagoo aan san iyo af laheyn, qoorta waa dheer tahay, dhagaha ayuu ka neefsanayay, sida malayga ayuu dhagihiisa hoos ku yaaleen, balse intiisa kale raga waa ka siman yahay” ayuu yiri nin ka mid ahaa ehelada haweeneyda umushay wiilka mucjisada.

Maamulka Isbitaalka SOS ayaan ka hadlin, iyadoo dhacdadan ay tahay mid ugub ah oo ku cusub Isbitaalka in canug sidan oo kale ah uu ku dhasho.

Qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa hadal heysay canugan mucjisada ee xalay ku dhashay isbitaalka SOS, inkastoo markii dambe uu geeriyooday.

Walina wax war ah kama soo saarin Dhaqaatiirtii ka umulisay cunuga haweeneydaas.

COMMENTS