July 5, 2015 | Posted by admin

QM, Midowga Europe “EU”, Ururka Midowga Afrika “AU”, Urur-gobaleedka IGAD, Hawlgalka AMISOM iyo dalka Maraykanka waxay si diiran u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug, C/lariim Xuseen Guuleed iyo Ku-xigeenkiisa, Mohamed Hashi Abdi, kuwaasi oo shalay lagu doortay magaalladda Cadaado.

Hoggaamiyayaal kale oo Gobalka ayaa iyagana taageeray doorashadda Madaxweyne C/kariim Xuseen Guuleed op ka guuleystay Musharaxiintii kula loolamaysay Xilkaasi.

Wareegii ugu dambeeyey waxay isugu soo hareen Musharaxa Axmed Macallim Fiqi, waxayna natiijadu noqotay inuu C/kariim Xueen Guuleed helo 49 cod, halka Musharax Axmed Fiqi ka helay 40-dhibcood.

Madaxweyne Guuleed waxa uu shalay khadka Telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo ay yihiin saaxiibo aad isugu dhow.

Dhinaca kale, Madaxweyne Guuleed waxa uu hami ka qabaa inuu isku soo taago Xilka Madaxweynenimadda Somalia oo la qaban doono sannadka soo socda.

COMMENTS