June 12, 2017 | Posted by admin

Kulan uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Shiikh Cismaan Barre Maxamed.

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray Wax ka bedelka Qodobada qaar ee Dastuurka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Muhiimada Kulankaan ayaa ahaa mid wax laga bedelayo qodobada ku qaran Dastuurka marka Madxwaynaha Mooshin laga keenayo.

Kulanka ayaa ku soo idlaaday Buuq iyo is afgarad waa, waxaana kulankaasi dibad joog ka ahaa Saxaafada.

Bahda Saxaafada oo aan Horay loogu ogolaan in Kulankaasi ay ka qayb-galaan ayaa ugu dambeeyn ka war helay Buuq ka dhashay Wax ka bedelka Dastuurka Maamulkaasi.

Hoolka shirarka ee Baarlamaanka Hirshabeele waxaa la wareegay Ciidamada amaanka Ee dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS