May 11, 2015 | Posted by admin

ahriibayaasha ka shaqeysta dalka Liibya, ama kuwa safarka ku mara, ayaa waxa ay la kulmaan gaboodfallo, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay hay’adda Amnesty International saaka daabacday.
Warbixinta ayaa lagu saleeyay wararka ay sheegeen tobannaan qof oo hay’adda ay ku wareysatay Sicily iyo Tunisiya, kuwaas oo shaaca ka qaaday dhibaatada ay ku arkeen Liibya ee haysta qaxootiga iyo dadka tahriibaya.
Dadkan badankooda waxa ay sheegeen in lagu qasbay in naftooda halis ay u geliyeen, sidii ay u gaari lahaayeen Yurub oo ay ugu nabad gali lahaayeen.
Amnesty waxa ay ka digeysaa, dhibaatada ka dhalan karta tallaabada militeriga ee Yurub ay qorsheyneyso, taas oo ay ku sheegtay in xaaladda ay uga sii dari karto.

COMMENTS