February 10, 2015 | Posted by admin

alhus-sun-300x225

Ahlsunna Waljamaaca ee horay looga saaray deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta weerar ku qaaday halkaas, iyadoo ay is fara saareen ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugnaa.

Wararka ka imaanaya Guriceel ayaa sheegaya in ciidamadii Ahlusuna ee maalmahaan isku abaabulayey deegaanka Balli-howd oo dhanka waqooyi ilaa 60 KM kaga beegaan magaaladaas ay saaka weerareen Guriceel.

Sida ay ku warramayaan wariyaasha ku sugan gobolka Galgaduud, dagaalka oo markii hore saaka todobadii aroornimo ka qarxay meel ka baxsan magaalada ayaa ku fiday qeybo ka mid ah xaafadaha Guriceel.

Markii dagaalka ka bilwoday banaanka magaalada ayaa dad farabadan bilaabeen iney qaxaan si ay uga baxsadaan rasaasta xooga leh ee ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

Lama oga halka arrintu ku dambeyn doonto iyo dagaalkaas saameyn ku yeelan doono safarka horay loo qorsheeyey ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ku tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb.

Baratimihii bishii December ee sanadkii 2014 ayaa ciidamada Ahlusuna isaga baxeen degaanka Guriceel, kadib markii dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya.

COMMENTS