February 26, 2015 | Posted by admin

Caweysnimadii caawa, ayaa waxaa Koonfurta Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug la keenay afar nin oo u dhashay dalka Thailand, ka dib muddo saddex sano ah oo ay gacanta ugu jireen kooxaha burcad badeeda Somalida.

Raggaan, ayaa la socday markab kalluumeysi oo afduub ahaan ay u heysteen burcad badeeda, markii dambena ku degay xeebaha Somaliya.

Maamulka Galmudug, ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay ajaaniibtaasi, ka dib markii kooxaha burcad badeeda lagu qanciyay inay sii daayaan raggaasi.

Suxufiyiinta Gobolka Mudug, ayaa rumeysan in madax furasho lagu sii daayay raggaasi, laakiin lama garanaayo inta ay gaarsiisan tahay cadadka lagu sii daayay.

Sarkaal ka tirsan Galmudug oo diiday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in kooxaha burcad badeeda, ay kala wareegeen ajaaniibta reer Thailand.

Khamiista, ayaa waxaa lagu wadaa in afartaasi nin laga amba bixiyo Garoonka Galkacyo, loona duuliyo Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya.

COMMENTS