November 26, 2012 | Posted by admin
Magaalada Kismaayo

Maamulka kumeel gaarka ah ee magaalada Kismaayo ayaa maanta gacanta ku soo dhigay 45 qof oo lala xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada.

Taliyaha saldhigga booliska Kismaayo Axmed Diini ayaa sheegay in dadka ay soo qabteen ay badankood sii daayeen, marka laga reebo 7 qof oo loo maleynayo in ay yihiin dadka qaraxyada sameeyay.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dadka ay hadda hayaan la weydiinayo su’aalo dheeraad ah, isla markaana baaritaano kale lagu sameyn doono.

Dhinaca kale, iska-hor-imaad u dhaxeeya maleeshiyada Al-Shabaab iyo dad deegaanka ah ayaa maanta ka dhacay deegaanka Shabeelley oo 40 km dhanka bari kaga beegan degmada Xagar ee gobolka Jubbada hoose.

Col. Jawaashe Mahdi Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Afmadow ayaa Bar-kulan u sheegay in dagaalka ay ku dhinteen 5 qof, ayna ku dhaawacmeen 10 qof oo kale, oo ah dhinacyadii dagaalamay.

Jawaashi ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay xoolo baad ay oo ay Al-Shabaab ka dooneysay dadka deegaanka.

COMMENTS