June 16, 2021 | Posted by admin

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed ibraahim Macalimuu ayaa ka hadlay Maamul Gobaleedyada Soo Magacaabay Guddiyada Doorashada iyo Maamulka Wili Harsan.

Qoraal uu soo Dhigay Afhayeenka Bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyay in Galmudug Looga Fadhiyo Magacaabista Xubnaha Guddiga waxuuna u qornaa Qoraalka Afhayeenka sidaa.

” Dowlad-goboleedyada inta badan wey u soo gidbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka Guddiyada Doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa Dowlad Goboleedka Galmudug oo ah Dowlad Goboleedka kaliya ee aan weli soo dirin.

Maadaama waqtigu uu soconayo, shacabka Soomaaliyeedna ay doonayaan in la dardargaliyo howlaha hirgalinta doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay waxa ay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah.

COMMENTS