February 25, 2021 | Posted by admin

Ilo ku dhow dhow shirka u socda Ra’iisul Wasaaraha, Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa ii xaqiijiyay in Xukuumadda ka dalbatay musharaxiinta in bannaan baxa berri 26 February dib loo dhigo, si loogu diyaar garoobo sugida amniga iyo sidii loo qaban lahaa bannaan bax si nabadgelyo ku dhaca.

Sidoo kale Xukuumadda waxay Guddi baaritaan u saareysa wixii dhacay 19 Febraayo, kana xuntahay dhibaatadii dhacday oo ay ka tacsiyadeyso dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Waxaa la filayaa in war rasmi ah la soo saaro goordhow in kastoo ay saxaafadu dibad joog ka tahay Shirka.

Shirka Waxaa ka maqan Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Gudoomiyahii Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Axmed.

COMMENTS