November 18, 2020 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shaaca ka qaaday in Madaxweyne Farmaajo uu wareega 1aad ee doorashada 2021 uu ugu guuleysanayo sidii doorashadii dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle oo kale ee wareegii 1aad ugu guuleysteen Musharaxiintii ay dowladda Federaalka taageereysay.

Khudbad uu ka jeediyay Munaasabad maanta ka dhacday Xarunta Tiyaatarka Qaranka ayuu sheegay in aan loo daymo la’aan doorashada 2021 oo wareega 1aad ay ugu guuleysan doonaan.

“Doorashadii Koofur Galbeed Lafta Gareen wuxuu ku guuleystay aqbaliyad wareeggii koowaad, doorashadii Galmudug Madaxweyne Qoorqoor wuxuu ku guuleystay wareega 1aad, tii Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa wareegga koowaad ku guuleystay, doorashada soo socota 2021 yaa loo daymo la’aan”ayuu yiri.

Mahdi Guuleed ayaa ka jawaabay hadal uu sheegay in dhowaan ka soo yeeray Madaxweyne Kuxigeenka Kenya William Ruto oo ahaa inay Soomaaliya kala macaamilayaan Maamul cusub, isagoo tilmaamay inay Kenya rabto shaqsi ay soo xambaartay inay keento xukunka, taasna ay soo dhamaatay xilligii Musharax Dibadda laga keeni jiray.

Doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021 ayaa ah mid xasaasi ah oo aad la isugu haayo, waxaana haatan muran ka jiraa Guddiga doorashada ee ay magacawday Xukuumadda, kaasoo ay ka hor-yimaadeen Musharaxiintii mucaaradka ah.

COMMENTS