June 19, 2021 | Posted by admin

C/rashiid Janan wasiirki hore ee Amniga Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo safarkii u horreeyay kaga ambabaxay Muqdisho tan iyo markii bishii March uu isku soo dhiibay dowladda Federaalka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya socdaalka C/rashiid Janan ee Addis Ababa oo uu ku wehliyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere oo ahaa ninkii hoggaaminayay wada hadalkii iyo qorshihii C/rashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in qorshe ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Gobolka Gedo uu u tagay Addis Ababa, halka warar kalena sheegayaan in arrimo Baasabor uu u tagay.

COMMENTS