August 2, 2021 | Posted by admin

Madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi kaariye qoor qoor ayaa Laga sugayaa Maanta inuu ku dhawaaqo liiska Musharaxiinta aqalka sare ee dalka.

Guddiga doorashada Xildhibaanada ayaa ka dalbaday shalay Madaxweynaha inuu ku dhawaaqo Liiska Musharaxiinta xubnaha aqalka sare, waxana la sheegayaa in Xubnaha hadda jooga ay intooda badan aysan soo laaban doonin.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Senetar Cabdi qeybdiid,Senetar r Samsam  daahir in ay yihiin Xubnaha looga shaki qabo inay waayaan kursiga aqalka sare ee soo laabashada.

Madaxweyne qoor qoor ayaa waxaa horyaala Howla adag oo dhanka Doorashada ah waxaana galmudug ka imaanaya Tartanka Kursaasta ugu adag ee labada aqal 

COMMENTS