September 7, 2021 | Posted by admin

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Liiska musharaxiinta Aqalka sare, Balse waxaa culeys weyn ka taagan yahay. Kursiga Aqalka sare ee Beesha Jareerweyne, kaas oo la isku heysto.

Sida ay ilo xog ogaal ah inoo sheegeen, madaxweynaha Hirshabeelle ayaa damacsan inuu Kursiga beesha oo hadda ay ku fadhiso # Senator Fartuun Karaama uu u xiro Fahad Yaasiin oo ah gacanta midig ee madaxweyne Farmaajo.

13- xildhibaan oo beesha Jareerweyne ku matala Baarlamaanka Hirshabeelle oo hadda ku sugan madaxtooyada Hirshabeelle ayaa la balansan Madaxweyne Cali Guudlaawe si ay kagala hadlaan walaaca ay arrintaan ka qabaan.

Beesha ayaa si weyn u diidan in halka kursi ee Beesha Aqalka sare ku leedahay lala wareego.

COMMENTS