August 4, 2020 | Posted by admin

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ahna Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay jeclaan lahaayene in la qabto doorasho qof iyo cod ah, balse aan haatan loo diyaar garoobin.

C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in saddexdii sano iyo barkii Madaxtooyada, Guddiga doorashada iyo Xukuumaddii dhacday aysan wax diyaar garow ah u gelin doorasho qof iyo cod ah.

“Dhammaan dadka soomaaliyeed waa jeclaan lahaayeen in la qabto doorasho cod iyo qof la qabto, laakiin waxaa la isku waafaqsan yahay in aan loo diyaar garoobin, guddiga doorashada, madaxtooyada iyo xukuumadda hada xilka ka tagtay wax diyaar garow  ahaysan qaban 3 sano iyo barkii la soo dhaafay u gelin”ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirka Dhuusamareeb oo ay isugu tageen Dowlad Goboleedyada ay ka soo baxday doorasho heshiis lagu yahay iyo in wax muddo kororsi ah aysan jirin, waxaana uu xusay in taas ay keentay in laga waco dowladda Federaalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihii hore.

Waxaa uu sheegay in shirka Dhuusamareeb markii uu Madaxweynuhu tagay uu arkay inuu dhinac walba ka hareereysan yahay, isla markaana ay u socon weyday doorashadii been abuurka aheyd ee qof iyo cod iyo muddo kororsiga, taasna ay keentay markii uu ku soo laabtay Muqdisho inuu go’aan degdeg ah qaato inuu iska bedelo Xukuumadda.

“Madaxweynuhu markuu arkay inuu dhinac walba ka hareereysan yahay doorashadii been abuurka ahaa iyo muddo kororsi midna uusan soconeyn, wuxuu dhuusamareeb kala soo laabtay go’aan degdeg ah inuu xukuumadda iska bedelo, Madaxweynaha waxa abeen abuur ugu filan Xukuumaddii uu lahaa 3 sano iyo bar ma dhaceyso ay horta todobo daqiiqo ku dhacday, been abuurka uu sameeyay Madaxweynaha 3 sano iyo bar xukuumaddiisa ayay ka muuqatay oo 7 daqiiqo ku dhacday”ayuu yiri.

Xildhibaan Odawaa ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in Dhuusamareeb ka keeno doorasho heshiis lagu yahay, balse haddii uu dhaafo jidka Dhuusamareeb ay soo wajihi doonto culeyska Xukuumadda oo kale wixii ku dhacay oo ay ku soo gabagabowday 7-da daqiiqo gudahood.

Waxaa uu sheegay in afar sano la soo doortay, isla markaana muddo xileedka Madaxweynaha ay kaga egtahay 8 Febraayo ayna doonayaan inuu doorasho aado oo ah mid Farsamadeeda iyo diyaar garowgeeda ay heshiis ku tahay Soomaali oo aan qolo gaar ah laga yeeleyn.

COMMENTS