July 3, 2020 | Posted by admin

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow waxa uu ka mid ahaa mudanayaashii golaha shacabka ee aadka ugu ololaynayay sidii dadka dega gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen Metalaad siyaasadeed isaga oo faahfaahin ka bixiyay dhibaatadii loosoo maray.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlayay munaasabad lagu maamuusayay xildhibaanadii ka shaqeyay metalaadda gobolka Banaadir aya dhankiisa mahadcelin u diray cid kasta oo kala shaqeysay arrintaan.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay in uu u mahadcelinayo guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo si geesinima leh uga shaqeyay sida uu hadalka u dhigay.

Geba gebadii ayuu tilmaamay in isaga shaki uusan uga jirin in gobolka Banaadir uu helay metalaad siyaasadeed oo u qalanka isadaas oo kalana Muqdisho ay heli doonto maqaamkeeda.

COMMENTS