October 18, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland lagu dilay mid ka mid ah xaafadaha magaaladaas.

Xildhibaanka ayaa lagu magacaabayay C/xakiin Timo-Faras, waxaana lagu dilay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Calanley.

Wararka qaar ayaa sheegaya in nin ku hubeysnaa qoriga AK47 uu toogasho ku dilay, kadibna uu baxsaday.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in ninka dilka geystay uu ku labeysnaa dareyska ciidamada, iyadoo ciidamada ammaanka Jubbaland ay durba ka bilaabeen xaafada Calanley iyo xaafadaha kale baadigoobka ninka dilka geystay.

Waa dilkii u horeeyay ee Xildhibaan ka tirsan Jubbaland loogu geysto magaalada Kismaayo, waxaa horay magaalada lagu dilay saraakiil iyo nabadoono.

COMMENTS