October 19, 2010 | Posted by Duhur

Wararka naga soo gaaraya degmada Yeed ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya halkaasi xiisad kacsanaan ah laga dareemayo, kadib markii Ciidamada dowladda KMG iyo Ciidamo Itoobiyaan ah dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Degmada Yeed ayaa sheegaya dadku in ay bilaabeen barakac, kadib cabsi soo wajahday, markii Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada Itoobiya dhaqdhaqaaqyo xoogan ka bilaabeen gudaha iyo daafaha Degmada.

Dhanka kale Ciidamada Xarakada Alshabaab oo dagaalo la galeen Ciidamada Dowladda KMG iyo Itoobiya dhankooda waxay wadaan dhaqdhaqaaqyo culus oo laga yaabo in dhinacyadaasi mar kale dagaalo ka dhex qarxaan.

Lama oga xaalada degmada Yeed iyo deegaanada ku dhow dhow sida ay isku badali doonto, waxaase la soo sheegayaa xaaladu in ay tahay mid aad u kacsan.

COMMENTS