January 22, 2022 | Posted by admin

Xeer Ilaaliyaha Guud ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa baabi’iyay dacwad laga gudbiyay Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib) oo maanta Maxkamadda Gobolka Galgaduud ay u yeertay inuu Maxkamadda berri hor-yimaado.

Qoraal ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa loo soo jeediyay Maxkamadda Galgaduud inay baabi’iso dacwadaas si waafaqsan qodobka 12, maadaama dacweysanuhu degan yahay meel ka baxsan awoodda Maxkamadda.

Qoraalka Maxkamadda Galgaduud ay maanta ugu yeertay Ganacsade Maxamed Cajiib ayaa lagu soo aadiyay, maadaama uu yahay Musharax kursi HOP064 oo doorashadiisa todobaadka ka dhaceyso Dhuusamareeb, kana mid yahay Musharaxiinta ugu cad cad.

COMMENTS