November 22, 2020 | Posted by admin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Guddiyada Doorashada 20/21 ee heer federaal & heer Dowlad dhaliisha ka timid in aysan raad ku lahayn dimaanka dastuurka dalka ee lagu heshiiyay.

Is qab-qabsiga siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Xisbiyada Mucaaradka ayuu ku sifeeyay in uu ka dhashay iska indha-tirka Dastuurka Dalka oo ah kan lagu kala dambeeyo ee xalka loo arkay.

“Maanta waxa aan isku heysanaa Dowladda Federaalka ma ahan wax la garan waayay, wax waliba oo duruufo ah waala aqbali karaa balse kamid ma ahan wixii ka baxsan qaanuunka, guddiyada la magacaabay dastuurka raad kuma leh, qawaaniinta sal kuma lahan, Dowladnimo waa qaanuun, ceyb & cilad weyn ayay ku yihiin dimuqraadiyadda Soomaaliya” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Shaqsiyaadka la diidan yahay oo ay Xisbiyada Mucaaradku ku tilmaameen in laga soo dhex xulay hay’adda Nabadsugidda waxa uu ugu baaqay in ay ilaaliyaan nidaamka Ciidanka & sirdoonka oo ka madax bannaan in ay faraha la galaan Siyaasadda.

“Wiilasha & Gabdhaha Soomaaliyeed waxa aan leeyahay yaan la idin qaldin oo ku shaqeeya waxa uu idiin fasaxay Qaanuunka, Ciidan ayaad tihiin, dambi ayaad galeysaan oo waxaa idin raaceysa eed aan dhamaan, Madaxweynaha & Milkiilaha waxa aan ugu caqli celineynaa ka daaya dhuujiska aad ku heysaan yaan la kala go’inee” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xisbiyada Mucaaradka oo u badan Madax xilal kala duwan dalka kasoo qabatay ayaa dhaliilsan Guddiga Doorashada 20/21 oo ay sheegeen in lagu dhex milay xubno katirsan Nabadsugidda & Madaxtooyada.

Xukuumadda Soomaaliya oo iska fogeysay arrintaas ayaa sheegtay in caddeymo loo baahan yahay haddii ay jirto cid heysa ama og xubnaha katirsan Sirdoonka ee lagu daray Guddiga Doorashada 20/21.

COMMENTS