Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in howlihii dalka oo dhan ay kusoo aruureen gacanta Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu si cad u baalmaray dastuurka marka laga eego tilaabooyinka uu qaaday tan iyo maalintii la doortay.
Waxaa uu xusay in aan la aqbalin karin 53 maalmood uu dalku ahaado Ra’iisul Wasaare la’aan, islamarkaana shaqada hadda socotaa ay u muuqato kaligii talisnimo.
Waxa ay ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in laga shaqeeyo sidii loo badbaadin lahaa dalka oo ay sheegeen in hadda uu ku sugan yahay xaalad halis ah.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu fiirsanaayo xukuumad sharci daro ah.