July 7, 2020 | Posted by admin

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Kulan La qaatay Gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi xaashi Cabdillaahi iyo ku xigeenkiisa Kowaad Abshir Bukhaari.

Kulanka ayaa ka dhacay Hooyga Gudoomiye Cabdi xaashi uu ka deganyahay Muqdisho, waxaana kulankaan uu imaanayaa Xilli uu jiro khilaaf culus oo Gudoomiye cabdi xaashi kala dhaxeeya Qaar ka mid ah Madaxda dalka kaas oo sababay in uu saameen ku yeesho Howlihii Aqalka sare.

Waxaa bilaawday culeysyo siyaasadeed oo dowladdu ay wajahayso iyo Kulamada ay wadaan Madaxda Mucaaradka ah.

waxaana saacadihii Lasoo dhaafay Muqdisho ka qabsoomay shir u dhaxeeya Madasha xisbiyada dalka iyo Gudoonka aqalka Hoose ee Baarlamaanka Dalka, iyo Madaxda madasha oo kulan La qaatay Waxgaradka Mudullood.

Kulankaan u dhaxeeya Madaxweyne Xasan shiikh iyo Gudoomiye Cabdi xaashi ayaa abuuraya jawi kale oo ku salaysan siyaasada xilligaan Halka ay marayso.

COMMENTS