September 12, 2020 | Posted by admin

Xasan Cali Khayre Ra’isul wasaarihii Hore ee Soomaaliya ayaa caawa shaaciyay inuu yahay Musgarax utaagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ka dib Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook.

Khayre waxuu sheegay inuu Leeyahay Khibrad ku filan islamarkaana uu dalka ku Hogaamin karo.

Qoraalka uu soo qoray Khayre ayaa u qornaa sidaan.

Bismillah,

Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.

Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.

Mahadsanidiin

COMMENTS