April 30, 2011 | Posted by admin

Duhur-Dalladda ururada bulshada rayidka ee gobolka Banaadir ayaa cambaareeyay xarig ay maleeshiyaadka Al Shabaab u geysteen Culumo iyo nabaddoono caan ka ahaa gobolka Shabeelaha dhexe oo deegaanka Ruun-Nirgood ka sameynayay Alla bari roob doon ah.

Guddoomiyaha dalladda ururada bulshada rayidka, Muxudiin Xasan Afrax, ayaa Saxaafadda u sheegay in culumada la xir xiray ay ku jireen 2 sheekh oo si weyn Diinta Islaamka dadka u bara.

Muxudiin Xasan Afrax, waxa uu sheegay in nabaddoonada la xiray ay ka mid yihiin nabaddoon Cadow Maxamed Caddaan, Nabaddoon Cumar Xasan Gurjucuun iyo nabaddoono kale.

Guddoomiyaha dalladda ururada bulshada rayidka waxa uu sheegay in dadka ay xireen Al Shabaab ay muddo 2 todobaad ah ku jiraan goob ay xabsi ku sheegeen oo ku taalla deegaanka Ruun-Nirgood.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan deegaanka Ruun-Nirgood, ayaa sheegay in culumada iyo nabaddoona la xir xiray ay ku jiraan dad waayaalo ah oo xannuunsan.

COMMENTS