February 19, 2021 | Posted by admin

Waxaa saakay dagan xaalada magaalada Muqdisho oo xalay saqdii dhexe dagaal kooban ku dhaxmaray ciidanka dowlada iyo kuwa mucaaradka, dagaalkaas oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon oo la filayo in maanta lagu qabto banaanbaxa ay soo abaabuleen mucaaradka.

Ciidanka dowladda ayaa ku sugan taalada waxaana la xiray dhulka ka agdhow oo dhan waxaana dadweynaha loo diidayaa in ay lug kumaraan ama ay u dhawaadaan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka balse waxaa ka barakacay dad badan oo daganaa Boondheere.

Wali ma bilaaban banaanbixii la filayay waxaana xiran wadooyinka Muqdisho. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa ku sugan hoteelka Naasa-hablood 2, waxaana la joogo ciidan kooban oo ilaalo u ahaa, waxaase xusid mudan in dhulka ku dhow oo dhan ay joogaan ciidanka dowladda.

Lama qiyaasi karo sida ay ku dambeyn doonto xaalada magaalada Muqdisho oo saakay laga dareemayo jawi kacsanaan ah.

COMMENTS