February 18, 2021 | Posted by admin

Warar Lagu Kalsoonyahay ayaa xaqeejiyay in Ciidamo Tira badan oo wata Gaadiidka Dagaalka ay Goor dhaw ka soo Baxeen Xerada Ciidamada ee Nac naca iyo sidoo Kale Xerada Ciidamada Tirkisom oo dhamaantood kuwada yaala Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.

Ciidamadaan ayaa wata Gaadiidka Dagaalka waxayna ku dhawyihiin ku dhawaad 50 Gaari oo kuwa Dagaalka ah, waana Ciidamada Loo yaqaano Bangaraafta ee Milateriga Soomaaliya ka Tirsan.

Xaalka Muqdisho ayaa caawa kacsan waxaana Caasimadu ay la Ciirciiraysaa Ciidamo Tira badan oo Dowladda iyo Mucaaradka kala Taabacsan.

COMMENTS