April 5, 2014 | Posted by admin

Kooxo Hubaysan ayaa la sheegay in xalay ay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ay toogasho ku dileen Ganacsade Siciid Abuukar Cumar Cadaan

Wararka la helayo ayaa xaqiijinaya in Kooxahaasi Hubaysan ay wateen Baabuur ay ka soo dhex toogteen Ganacsadahaasi geeriyooday, kadibna halkaasi ka baxsaday.

Ganacsdahaasi dhintay oo uu dhalay Ganacsadaha kale ee caanka Ah ee Abuukar Cumar Cadaan ayaan la ogayn sababta dilkiisa ka danbaysay , iyadoo xilliga la dilayay uu ka soo baxay Bank ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dalka Kenya ayaa Maalmihii dambe waxaa taagnaa dhibaatooyin xagga amniga oo xittaa  gaartay heer uu si kulul uga hadlo Madaxweynaha waddankaasi.

COMMENTS