May 12, 2015 | Posted by admin

Wiil Somal-Canadian ah ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay magaalada Ottawa ee dalkaas Canada ka dib markii ay rasaas la dhaceen rag dhalinyaro ah iyadoona ay booliiska ay u qabteen dilka Wiilkaas laba dhalinyaro ah oo midkeed la sheegay inuu dhashay dalka Kuwait.


Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Saciid Shariif (AU) oo 21 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in toogasho lagu dilay magaalada Ottawa ee dalkaas Canada , Wiilkaan Soomaaliga ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in lagu dilay magaaladaa Ottawa xilli uu watey baabuurkiisa asagoona ay goobtaas ku soo gaartey dhaawac halis ah ka dib markii dhowr xabadood lala dhacay, Wiilkaas ayaa markiiba loola cararey isbitaalka iyadoona uu halkaas ugu geeriyooday dhawacii ka soo gaarey rasaastaas, Boolliska magaalada Ottawa ayaa fariimo iyo tilmaamo iyo warbixino ay ka haleen dad marqaatiyaal ah oo arkaayey sida ay wax u dhaceen ayaa waxaa ay ku soo qabteen laba qofood oo looga shakiyey dilka wiilkaas Soomaaliyeed, Booliiska ayaa waxaa ay soo qabteen Khaalid Maxamed oo 26 sano jir ah Islamarkaana ah wiil ka soo jeedo asal ahaan dalkaas Kuwait iyo saaxiibkiisa ninka lagu magacaabo Cabdicasiisa Cabdullaahi oo asagan 28 sano jir ah iyadoona ay booliisku shegeen inuu falka Toogashada ah ee lagu dilay wiilkaas Soomaaliga ah uu geystay wiilka lagu magacaabo Khaalid Maxamed iyadoo wiilkana kalaena lagu soo eedeeyey inuu u fududeeyey ninkaas inuu ka baxsado goobta .

Ugu dambeyntiina iyadoo Wiilkaas Soomaaliga ah lagu toogtey magaalada Ottawa ee dalkaas Canada ayaa wararka Qaar waxaa ay sheegayaan in arintaan lala xiriirin karo dagaalka u dhexeeya Gangiska ka shaqeysta daroogada Laakiin qaraabada iyo ehelka Wiilkaas Soomaaliga ah ee la dilay ayaa arintaas gebi ahaanba meesha ka saarey ayagoona sheegay in wiilkoodu uu ahaa qof wax barta oo shaqana aan ku lahayn arintaas, Labadaan Wiil ee ay Booliisku u qabteen dilka wiilkaas Soomaaliyeed ayaa waxay yihiin Gaangiistaro caan ka ah booliiska magaalada islamarkaana dhowr jeer horey xabsiga loo dhigay ka dib markii lagu helay damiyo kala duwan, Cabdullahii Xasan oo ah adeerka Wiilka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida dhaqsaha leh ee ay booliisku ay u qabteen dadkii ka dambeeyey falka lagu dilay wiilkaas uu adeerka uu u ahaa, Laakiin aabaha dhalay wiilkaas loo qabtey inuu dilkaas geystay ayaa waxaa uu sheegay inuusan wiilkiisu uusan dilkaas geysan.

COMMENTS