April 25, 2013 | Posted by admin


Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii ay ka qeyb-galeen shirkii hay’adda lacagta adduunka ee IMF-ta ee ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Isagoo saxaafadda kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Maxamuud Xasan wuxuu sheegay in markii ugu horreysay muddo 22 sano ah ay Washington uga qeyb-galeen shirkii sanadlaha ahaa ee hay’adda lacagta adduunka, arrintaas oo uu sheegay inay dhiirra-gelin u tahay horumarrada ay rabto inay dowladdu sameyso.
Wasiirka wuxuu sheegay inuu kulamo la qaatay madaxda IMF-ta.
Hay’adda IMF ayaa horraantii bishan shaacisay in ay aqoonsan tahay dowladda Soomaaliya, ayna wada shaqeyn buuxda la yeelan doonto wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya si dib loogu dhiso hannaankii maaliyadeed ee dalka.
Maxamuud wuxuu sheegay in wasaaraddiisu ay ku howlan tahay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa ilaha dhaqaalaha ee dowladda si loo helo nidaam maaliyadeed oo hufan, kaas oo wax weyn ka tari kara in dowladdu ay hesho kaalmooyin caalami ah.

COMMENTS