June 26, 2015 | Posted by admin

General C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Wasaaradda Difaaca Somaliya, ayaa wuxuu ka hadlay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid General C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle, oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii dalka soo maray.

C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle, ayaa waxa uu Khamiistii ku geeriyooday Magaalada London ee Xarunta Britain, halkaasoo uu ku noollaa sanadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa.

Wasiirka, ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, ummadda Soomaaliyeed waxaa ka tagey mid ka mid ah geesiyaashiisii iyo halgamayaashiisii naftooda u hibeeyey u adeegidda qarankan, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle.”

Wasiirka, ayaa sheegay in General Masalle uu xubin ka ahaa raggii dhidhibada u taagay Qaranimada Somaliya, isla-markaana uu ahaa mid ay tex-geliso bulshada Somaliyeed.

“Marxuumku wuxuu ahaa mid ka mid ah tiirarkii aas-aaska u dhigay Qaranimada Soomaaliyeed, wuxuu u soo adeegay dalkan muddo dheer, taarriikh ayuuna ku lahaa ummadiisuna waa qadarin jirtay.” Ayuu yiri Wasiirku.

General Diini, ayaa yiri “Waxaan ku tilmaami karaa muwaadin ku shaqeeyay intii uu xilalka kala duwan hayay caddaalad iyo la dhaqanka bulsho, kuna sharfanaa meel kasta oo uu wax ka soo noqday.”

COMMENTS