June 26, 2015 | Posted by admin

Maxamed Xaaji Xuseen, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa waxa uu gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, xilli uu ka soconaayo shir ay Ahlu Sunna sheegtay inay Maamul ugu soo dhisayso laba gobol iyo bar.

Shirkan oo toddobaadkan uun ka furmay Magaalada Dhuusamareeb, ayay Ahlu Sunna shaacisay inay Maamul Goboleed ugu soo samaynayso Gobolada Mudug, Galgaduud iyo qayb ka mid ihi Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ximan iyo Xeeb, ayaa ku dhawaaqay Maamulka Ximan iyo Xeeb inuu qayb ka yahay shirka ay Ahlu Sunna ka wado Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka, ayaa yiri “Maamulka Ximan iyo Xeeb waa jooggaa shirka ka furmay Dhuusamareeb, waxaan soo dhaweynaynaa inay dadka deegaanka isugu yimaadaan shir loo dhan yahay.”

Waxa kaloo uu yiri “Dadka deegaanka waxaan lee nahay inta ka dhiman shirka Dhuusamareeb ha timaado, maxaa yeelay waxaa lagu dhisayaa Maamul aan ku jirin hal dheeri ama gacan bidixeen.”

Wasiirka, ayaa intaa ku daray “Shirkii Cadaado wuxuu noqday mid aan ku socon wadada toosan, sidaasi daraadeed go’aankeena wuxuu yahay in aanu ka soo qaybgalno shirka Dhuusamareeb, ee gogoshiisu dhigtay Ahlu Sunna.”

Si kastaba ha-ahaatee Shirka Magaalada Dhuusamareeb, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, xilli meel wanaagsan uu maraayo Shirka Magaalada Cadaado, oo Maamul Goboleed loogu soo dhisaayo Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

COMMENTS