November 19, 2020 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble ayaa u magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud, iyadoo uu xilka ka qaaday Wasiirkii xilkaas hayay Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa goor dhow bartiisa Facebook ku shaaciyay magacaabida Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Maxamed C/riaaaq iyo xil ka qaadista Wasiirkii Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wareegto ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo loogu magacaabay Safiir Axmed Ciise Cawad, inkastoo horay uu Safiir uga soo noqday dalka Mareykanka, haddana lama shaacin dalka Safiir looga dhiga.

Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Maxamed C/risaaq ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha ee doorashadii 2017, sidoo kale waxaa uu soo noqday La taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Doorashooyinka.

Xil ka qaadista Axmed Ciise Cawad ayaa la ogeyn inay ku timid cadaadis ka yimid dowladdq Itoobiya iyo in kale, iyadoo xalay barta Twitter-ka ee Wasaaradda la soo dhigay qoraal looga hadlayay xaalada dalka Itoobiya iyo walaaca dowladda Soomaaliya ka qabto, isla markaana lagu baaqay in la xaliyo dagaalka gudaha ee Itoobiya, hase ahaatee markii dambe laga saaray, isla markaana uu Cawad beeniyay inay jirto warqadaas

COMMENTS