September 19, 2016 | Posted by admin

Wasiirka Amniga Gudaha dawladda Federal-ka ee Soomaaliya, C/risaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in uusan ahayn musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweyne ee maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka ayaa u sheegay warbaahinta dowlada in sidoo kale aysan waxba ka jirin warar dhawaan ay daabaceen warbaahinta qaar kood.

Waa dacaayad, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, Musharax u taagan in uu qabto xilka madaxtinimo ee muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe-na ma ahi, mana danaynayo hadda, wax aan jirin oo xaqiiqda ka fog bay qoreen”, sidaa waxaa Sidaa waxaa sheegay wasiirka amniga soomaaliya cabdi risaaq cumar maxamed.

Hadalka Wasiirka Amniga ayaa imaanayo xili maalmihii la soo dhaafay ay warbaahinta qaar ay qorayeen warar sheegay in Wasiirka uu xilka wasiirnimo iska casilayo, uuna doonayo in uu isu sharaxo madaxweynenimada maamulka aan weli la dhisin ee ay yeelanayaan gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

COMMENTS