June 8, 2015 | Posted by admin

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka Somaliya, C/raxamaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa ka hadlay dagaaladii maanta ka dhacay Magaaladda Dhuusamarreeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Wasiirka, ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado weerarkii ay Ahlu Sunna kula wareegtay Magaaladda Dhuusamareeb, isagoo ku tilmaamay in tallaabadaasi tahay mid ay kooxdaasi uga baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa, ee kal hore lagula galay Magaalada Guriceel.

Sidoo kale Wasiir Odawaa, ayaa ku sifeeyay qabsashada Dhuusamarreeb mid lagu hagar-daaminaayo habsami u socodka Dhisamaha Maamulka Gobolada Dhexe, isla markaana lagu qalqal-gelinayo nabadda iyo xasiloonida, ay haystaan shacabka deegaanka.

Qoraal uu caawa soo saaray Wasiirka, ayaa wuxuu ku sheegay in Dowladda Somaliya ay qaadi doonto tallaabo deg deg ah, taasoo sida uu sheegay looga hortagaayo kuwii weeraray Magaalada Dhuusamareeb.

“Dowladda Soomaaliya tallaabo deg deg ah ayay u qaadi doontaa ka hortagga koodxa nabadiidka ah ee inta isa soo abaabushay weerartay magaalo xasilooni ka jirtay, kuna jirtay gacanta Dowladda Somaliyeed.” Ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Wasiirka waxa uu tacsi u diray qoysaska iyo asxaabta intii ku dhimatay, kuna dhaawacantay dagaalka ka dhacay Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ahlu Sunna waxay dhankeedu sheegtay tallaabada ay kula wareegtay Dhuusamareeb inay ka dambeysay, heshiiskii ay Dowladda kula saxiixatay Guriceel, oo ka dhaqangeli waayay dhinaca Dowladda

COMMENTS