July 22, 2020 | Posted by admin

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya mudane Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle uu fatahaado darran ka geystay Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Xaafadaha uu Wabiga ku fatahay ee degmada Afgooye ay kamid yihiin, Dhagax-tuur, Baalguri iyo tuulooyinka hoostaga degmada oo ay kamid yihiin Sabiid, Caanoole, Baqdaad iyo deegaanno kale,isla markaana dadka Shacabka ah uu saameyn ku yeeshay,isagoo sidoo kale tilmaamay in deegaanno ka tirsan degmada Balcad uu fatahaad ka geystay halkaas oo ay ka barakaceen dadki deganaa.

Wasiir Xamsa ayaa Hay’adaha samafalka ee ka howgalla dalka faray inay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan dadka uu saameynta ku yeeshay fatahaadda uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe & Shabeellaha Hoose.

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka XFS ayaa toddobaadkaan ka digtay roobab dabeylo wato oo ku soo wajahan qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo dhibaatada ka dhalan karta musiibooyinka dabiiciga ah.

COMMENTS