July 19, 2020 | Posted by admin

Wasiiru-Dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda gaar ahaan Waaxda Ganacsiga iyo Suuq-geynta u furay tobobar kor looggu qaadaayey heerkooda aqooneed ee la xidhiidha fahamka hawlaha shaqo ee Wasaaradda.

Tobabarkan oo socon doona muddo shan cisho ah, ayaa shaqaalaha lagu bari doonaa sida loo galo heshiisyada ganacsi, fududeynta ganacsiga, xog kaydiyaha ganacsiga iyo wada-hadalka u dhaxeeya dawladda iyo ganacsatada.

Wasiiru-Dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa shaqaalaha kula dar daarmay inay ka faa’ideystaan fursadaan si ay ula jaan qaadaan shaqaalaha kale ee la mid ah .

“Waxaan idin boorinayaa inaad ka faa’iideystaan fursadaan waayo wasaaradda waxaa laga rabaa inay door qeyn ka qaadato kobcinta dhaqaalaha dalka ayuu ku daray hadalkiisa wasiiru-dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha xukumadda federaalka Soomaaliya

COMMENTS