October 19, 2020 | Posted by admin

War-Saxaafadeed kasoo baxay  Wasaaradda Amniga Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay  dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Mudug.

Dilalka ayaa dhacay  degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug habeenkii Axadda  ee la soo dhaafay taariikhduna ku beegneyd 17 Oktoobar 2020, waxaana loo geystay dad rayid Xoolo Dhaqato ahaa.

Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in deegaanada dilka ka dhacay  u dirtay Ciidamada amniga si ay gacanta ugu soo dhigaan kooxdii ka dambaysay falkaas foosha xun kuwaasoo illaa shalay subax baadigoobaya saddexdii qof ee falkaas In ay ka danbeeyeen lagu tuhmayey.

Maamulka Gobolka Mudug kna degmada Gaalkacyo ayaa waxaa Wasaaradda Amniga Galmudug fartay in Ciidamada ammaanka ay ku gacan siiyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilkaas.

COMMENTS