April 19, 2015 | Posted by admin

Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, Ururka Midowga Yurub, Ururka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Dowladda Maraykanka, Dowladda Ingiriiska, Sweden, Talyaaniga, Itoobiya, Uganda, iyo Turki ayaa soo dhoweeyay furitaanka Shirka maamul-u samaynta Gobolada Dhexe ee ka furmay Cadaado.

Jaalayaasha ka socda bulshada caalamka waxay ku amaaneen dadka gobolada dhexe sida ay u soo geba-begeeyeen Shirkii dib-uheshiisiinta ee ka socday Dhuusamareeb, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay ooga go’antahay in dalka lagu soo celyo Nabad iyo Xasilooni.

“Tani waa talaabo kale oo aad muhiim u ah, loona qaaday dhinaca Nabadda iyo Qaran-dhisidda ee khusaysay dadka Goboladda dhexe iyo dhamaan Soomaalida oo dhan. In kasta oo aan ka dhursugayno in uu Shirka Cadaado uu ku dhamaaado guul, hadana waxaan ku boorinaynaa dadka ku nool goboladda dhexe in ay maamulkooda ku dhistaan hab kudhisan dib-uheshiisiin, isutanaasul, iyo in ay u wada dhamaadaan shirka,” ayay yiraahdeen jaalayaasha ka socday bulshada caalamka.

Jaalayaasha ka socda bulshada caalamka waxay boogaadiyeen dowrkii uu Maxadwayne Xasan Sheikh Maxamuud ka cayaaray furitaanaka Shirka, kaas oo dhacay 16 Abriil. Wuxuuna ku booriyay dhamaan ka qaybgalayaasha shirka Cadaado in ay meel iska dhigaan danaha khaaska ah iyo wixii farqi ah ee u dhaxeeya ayaga, una wada holwgalaan si wadajir ah, horumariyaana nabadda iyo dhisidda Dowlada Gogoleedka.

Jaalayaasha ka socda caalamka waxay si adag oogu guubaabiyeen dhamaan ka qaybgalayaasha shirka in ay u wada howlgalaan si wax dhisid iyo didb u heshiisiin ku qotonta , si ay aasaaska oogu dhigaan Dowlad Goboleed ku Meel Gaar ah. Jaalayaasha ka socda bulshada caalamka lana shaqeeya Soomaaliya, waxay balan qaadeen taageero si loo dhaqan geliyo natiijada ka soobaxda shirka wakhtiga ku haboon.

“Jaalayaasha ka socday bulsha caalamka waxay u mahad celinayaan Dadka Xibin iyo Xeeb iyo Maamulkooduba, kaas oo nagu soo dhoweeyay (magaalada cadaado) taariihkda markay ayeed 15 Abriil, waxayna noo suurta geliyeen in aan si toos ah u aragno dadbadan oo ay arrintu khusaysay. Booqashada waxay aheed muujin aan muujinayno taageerada aan u hayno (howsha) iyo in aan horumarino dhaqanka ku fadhiya isu tanaasulka”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guudd ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay.

Heshiiska lagu dhisayo Maamulka Goboladda dhexe waxaa lagu saxiixay Muqdisho 30 Julay 2014, dhamaan dadka ay arrintu khusaysayna waxay ku heshiiyeen in ay ay sameestaan maamul loo wada dhanyahy. Mudadaas wixii ka dambeeyay, dhamaan dhinacyada ay arrintu khusayso, waxay u howlgaleen sidii lagu heli lahaa dhib-u heshiisiin, iyo Geedi socod lagu dhisayo Dowlad Goboleed ku meel gaar ah ee ka curata Goboladda dhexe.

COMMENTS