March 10, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in dad gaaraya 97 Ruux oo soomaali ah Goor dhaw Garoonka Diyaaradaha ay ka soo dejisay kuwaas oo saameeyay Amarkii Madaxwaynaha Maraykanka.

Dadkaan oo la sheegay in ay gaarayan 97 ruux ayaa waxa ay Rakaab ahaan usaarnaayeen shirikada Diyaaradaha ee Turkish Airline.

Waxaana saameeyay Amarkii Madaxwaynaha Maraykanka uu ku mamnuucay ilaa iyo dhowr wadan oo soomaaliya ay qayb ka tahay.

Dadkaan ayaana isugu jira kuwa ku xirnaa xabsiyo dalkaasi ku yaala iyo kuwa kale oo Noloshaada la soo cararay, waxa ayna ubadan yihiin kuwa dib loogu soo celiyay Soomaaliya.

Safaarada soomaaliya ee Dalkaas ayaa Mudooyinkaan waday Amaro ay dul dhigayeen dadka Ku sugan Maraykanka Tan iyo Markii Madaxwaynaha cusub uu la wareegay Talada dalkaasi.

Maxamed daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS