February 23, 2021 | Posted by admin

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigaan ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaas.

Axmed Madoobe iyo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa ka wada hadli doona xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka ee lagu jiro iyo is marin waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in James Swan uu sigaar ah Madaxweynaha Jubbaland ugala hadli doono ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhacaya Muqdisho.

Maamulka Jubbaland ayaa shuruudo dhowr ah ku xiray ka qeyb galka shirka oo la filayo in lagu saxiixo heshiiskii Guddiyada Farsamada ku gaareen Magaalada Baydhabo, kadib markii halkaas shir laba maalin socday ku yeesheen.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa leh Isbaheysi oo ay uga soo horjeedan Madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday Farmaajo, iyagoona dhowr mar eedeymo kala duwan u jeediyay.

COMMENTS