May 2, 2021 | Posted by admin

Ergeyga ka socda dowladda Qatar Dr Mutlaq Al-Qahtani ayaa aqalka Madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Ergayga gaarka ah ee ka socday Dowladda Qatar, ayaa gaaray aqalka Madaxtooyada Waxaana la socday Agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Shirka ayaa soo dhamaaday goor dhaweed Waxaana wararku sheegayaan in uu kulan gaar ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaare Rooble ergaygan gaarka ah.

Ergaygan gaarka ah ayaa xalay fiidkii kulan la qaatay wakiilada Beesha caalamka ee ku sugan Xalane.

Dr Mutlaq, ayaa caawa kulan la qaadan doono midowga Musharixiinta Sida ay ii sheegeen ilo muhiim ah.

COMMENTS