June 16, 2021 | Posted by admin

Wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa la filayaa inuu Maanta soo gaaro Magaalada Dhusamareb ee Caasimada Galmudug.

Marka uu Wafdigaan soo gaaro Dhusamareb ayaa la fialayaa inuu Kulan la qaato Madaxda sare ee Galmudug waxa ayna ka wada hadli doonaan Arima Muhima oo ay ugu horayso Arimaha Doorashooyinka.

Shalay Galinkii dambe ayaa Dhusamareb waxaa dib ugu soo laabtay Madaxwaynaha Galmudug oo mudo ku maqnaa Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Qaramada Midoobey ayaa shalay gaaray Kismaayo, waxaana Maanta la filayaa inay gaaraan Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb

COMMENTS