July 18, 2020 | Posted by admin

Wafdigaan oo hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hor kacayay agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdoinuur Maxamed Axmed ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

“Dhuusamareeb ayaan soo gaarnay annaga oo hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta kusoo wajahan Galmudug”ayuu yiri agaasime Cabdinuur.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweyne ku xigeeenka dowlad goboleedka Galmudug iyo golaha wasiirrada Galmudug uga mahadceliyay soo dhaweynta wafdiga hordhaca ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne K/Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada ee sida diirran noogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug”

COMMENTS