July 20, 2020 | Posted by admin

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta tagaan wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay Dhuusamareeb uga qeyb-galayaan shirka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada,kaas oo looga hadlayo arrimaah doorashooyinka dalka.

Shalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi horudhac u ah safarka Guddoomiye Cumar Filish,waxaana hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kusii ql qulaya wufuud kala duwan,waxaana aad loo adkeeyay Amniga Guud ee Magaalada o ay ku sugan yihiin Ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwo ay sigaar ah u wataan Madaxda Dowladda & Dowlad Gobleedyada.

COMMENTS