September 23, 2021 | Posted by admin

Qodobada Wada hadalka Guddiga iyo Farmaajo

  1. In kiiska Ikraan Tahliil loo daayo Maxkamadda awoodda dastuuriga u leh ee kiiska dacwadu hor yaallo, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo waxa uu doonayaa in marka hore Guddigi uu magacaabay uu shaqeeyo
  2. NISA: Guddigu waxaa uu soo jeediyay in Gen. Bashiir si KMG ah u sii hayo xilka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kasoo heshiiyaan taliyaha rasmiga noqon doono muddo kooban, balse Farmaajo ayaa diiday wuxuuna ku adkeystay in Yaasiin Farey sii hayo xilka hey’adda.
  3. Wasiirka Amniga: Guddigu waxaa uu soo jeediyay in Ra’iisul Wasaare Rooble u bedelo wasaarad kasta oo ka mid ah 25 wasaaradood, marka laga reebo, sidoo kale Farmaajo waxaa uu soo jeediyay 2 wasaaradood kaliya mid ka mid ah in loo wareejiyo C/llaahi Maxamed Nuur.

Guddiga ayaa la filayaa in waxyaabihii xalay kala soo kulmeen Farmaajo maanta la wadaagaan Rooble, iyadoo ay muuqato in wada hadaladii labadii cisho ay soo wadeen in natiijo la’aan tahay oo dhinac walba uu halkiisa taagan yahay.

COMMENTS