June 20, 2021 | Posted by admin

Waaxda dambi baarista dalka Kenya ee DCI-da ayaa xaqiijisay in ciidamada ammaanka ay soo badbaadiyeen Xafso Maxamad Luqmaan oo loogu tagay guri ku yaalla aagga loo yaqaano Matopeni ee xaafadda Kayole ee ismaamulka Nairobi.
Qoraalka waxaa qayb ka ah in gabadha lagu hayay guri mugdi oo aan indhaha u roonayn iyada oo lagu qasbay in ay dhex gasho haan biyo.
Waaxda ayaa u mahadcelisay cid kasta oo gacan ka gaysatay in gabadha la soo helo.
Sidoo kale waxay sheegtay in hal eedeysane la qabtay halka digniin adag loo diray cid kasta oo iskudayda ama damacsan fal dambiyeed noocan ah.

COMMENTS