June 20, 2015 | Posted by admin

Alle wauu ku amaanay Aayadihiisa Idriis oo ku sheegay inu ahaa Nabi Iyo Runlow .. nasabka nabiga Abtiriskiisa wuxuu gala aadam Iyo Shiis, waxuu ahaa kii ugu horeeyey ee loo soo diro nabi ahaan.

Idriis wuxuu ahaa Ninki ugu horeeyey ee wax ku qora Qalin, waxuuna dhashay Aadam oo sadex boqol iyo sideed sano oo weli cimrigisu uga harsantahay .

Alle ayaa u waxyooday Nabi Idriis SCW: Waxaan kor kugu soo qaadi-doonaa maalin walba isla camaladaada wanaagsan, markaasu Idriis wuxuu doonay inu kordhiyo camaladiisa iyo daacadiisa .. Waxaa soo booqday malag ay saaxiib ahaayeen markaasu Idriis ku yiri: Alle wuxuu ii waxyooday sidaas iyo sidaas, marka fadlan ma la hadli-karta malaku mowdka inuusan ii imaan oo ii siiyo hakasho cimri si aan u siyaadsado camalo wanaagsan iyo kheyr. Malagii baa wuxuu ku qaaday baalashiisa oo u qaaday samada .. markii u gaaray samada afaraad, waxay la kulmeen malaku mowd, oo u soo dagaayey dhulka.

Malagii baa kala hadlay arinkii idriis uu ka codsaday mar hore oo ahaa in loo kaadiyo xoogaa oo loo dheereeyo cimrigiisa .. Malakul Mowdkii wuxuu yiri: laakiin aaway hadda idriis? wuxuu yiri wuxuu saaran yahay dhabarkeyga .. malaka Mawdkii wuxuu yiri waa wax la yaab leh waxaa la ii soo diray oo lay faray inaan ku qaado ruuxadiisa oo ku oofsado samada afaraad, waxaana intaas ka fakaraayey sida aan uga qaadi-karo naftiisa samada Afaraad isago jooga dhulka .. markaasu ruuxadiisi ka soo saaray jirkiisi, waana meesha ay aayadada ku leedahay ” Oo waxaan u qaadnay meel sare”. La soco qaybaha kale ee qisooyinka Anbiyada

COMMENTS