June 18, 2015 | Posted by admin

Akhristayaashow- Mahad iyo ammaan idilkeed waxaa leh Allaha .. Allow mahadaa, adigaa nasahan oo wax walba ka sareya, Alle waxaanu ka bareynaa hanuunin iyo inu nagu duwo hilinka toosan .. Alle waxaan ka magangalnay sharka naftayada iyo xumaha falalkayaga, Qofki Alle hanuuniyaa baa hanuunsan, qofkii u la doonana habow cid hanuunin-karta ma jirto

Akhristow Intaas ka dib, waxaan biishaan ramadaan fadligeeda awgeed halkaan maalin-kasta idin ku soo gudbin-doonaa qisooyinkii anbiyada oo mid mid looga hadlaayo si taxana ah u qoran, anagoo rajeyneyna inaad ka heli-doontaan raaxo balaaran, iyo nafis badan, iyo casharo lagu cibaaro qaato.

Casharkii Kowaad: Qisadi Aadam iyo Xawo ( Nabad korkooda ha ahaato)

Alle weyne waxuu noo sheegay inu hadal u jeediyey malaaiigta isagoo ku leh: Waxaan dajin-doona khaliifaha Arlada gudaheeda , wuxuuna Alle soo bandhigay doonistiisa abuurista Aadam iyo Ubadkiisa ay facba facba xigsan-doonaan oo dhulka isaga hara.

Alle weyne waxuu ku abuuray Aadam labadiisa gacmood si uusan ibliis u muujin wax kibir iyo isla weyne ah, markaasu ka dhigay Dad, waxuuna ahaa dhoobo muddo afartan sano. markii malaaiigtu soo agmareen oo arkeen waxaa galay cabsi .. ibliisna waxuu ahaa midka ugu cabsi badan. waa soo ag mari-jiray waxa dhoobada ka sameysan oo garaaci jiray, markaas waxaa ka soo yeeri- jiray dhawaaq sida dheriga ah.

Ibliis waxuu yiri: waa iney jiraan ujeeddo waxaan loo abuuray, markaasu ka galay Afka oo ka baxay dabadiisa oo dabadeed ku yiri malaaiigti ” Ha ka baqina waayo Rabigiin waa daaiim aan daldalool lahayn, kanse waa mid dalool leh. waan ka adkaan-doonaa oo jebin-doonaa.

Markii u soo dhawaaday waqtigii Alle doonay inu ku afuufo ruuxada ( aadam) u abuuray, waxuu ku yiri malaaiigta markii aan ku afuufo ruuxada, waa inaad u sujuudaan .. markii aadam ruuxadi gashay madaxiisa aadam waa hindhisay. malaaigti oo jawaabeysa ayaa tiri: dheh Alxamdu lilaah, markaasu yiri: alxamdu lilaahi, markaasu Alle yiri: Raximuka Rabbuka.

Waxaa la sheegay in markii Alle amray malaaiigta iney u sujuudaan aadam, dhamaantood way adeeceen amarka Rabi, halka ibliis ka joogay oo iska diiday inu u sujuudo, xaasad iyo xin awgeed oo arintaa darteed ayaa looga soo cayrshay Janada oo lagu soo tuuray dhulka isagoo nacaladan oo duleysan oo deyro ah, waxuuna muteystay Naar

Markii u Alle abuuray Aadam, wuxuu masaxay dhabarkiisa markaasaa waxaa ka soo baxay dhabarkiisa dhamaan nafaha dhalan-doona oo ka mid ah ubadkiisa illa maalinta Qiyaamaha, markaas ayaa aadam yiri:Rabiyow waa kuwama kuwakani? Allaha oo u jawaabaya ayaa yiri: waa ubadkaaga .. Alle waxuu soo kulmiyey maalintaa dhamaan kuwa la abuuri-doono illa maalinta Qiyaamaha, waa abuuray oo u yeelay qaab iyo suurad oo ka yeelay iney hadlaan .. Alle waxuu la galay wacad iyo ballan oo ka yeelay iney ku markhaati furaan naftooda ” sow ma ahi rabbigiin, waxay yiraahdeen: Haa oo la hubo. oo micneheedu yahay iney Alle u daacad ahaadaan Qawl iyo Ficil, af iyo uurba.

Waxaa kor loo qaaday aabahood aadam oo eegay ubadkiisi la abuuray, mise waxaa ku jira ubadkiisa faqiir iyo qani, mid qurux iyo mid qaab daran, markaas ayaa Aadam yiri Rabiyow umadaan maad ka dhigtid isku wada mid siman .. Allaah waxuu yiri: Waxaan jeclahay in la ii mahad naqo

Aadam C.S.W. wuxuu ubadkiisa dhexdooda ka dhex arakay nabiyada oo sida nalal ifaya ah oo iftiin badan .. dhamaan anbiyadaas waxaa laga qaaday wacad kale oo gaar ah oo la xariira xilkooda nabinimo.

Nabi Aadam waxaa la abuuray saacadihii ugu dambeeyey ee Jimcaha, oo Hal Saac markaa waxay u dhigantaa 83 sano iyo afar bilood .. Aadam waxaa la faray inusan ka yeelin sheydaan in Janada u ka saaro si usan u dhibaatoon.

Cuntadi ugu horeysay ee Aadam ku cuno dhulka wxay ahayd markii uu Jibriil u yimid oo u keenay todoba sabuul oo galey ah .. Aadam wuxu yiri waa maxay waxaan? Jibril wuxu yiri: waxaa laga soo gooyey isla geedkii laga mamnuucay inaad cunto .. Aadam wuxu yiri Maxaan ku falaya hadda? Jibril wuxuu yiri ku abuur dhulka, markaas ayuu Aadam sidaas yeelay .. Xabad kasta oo galeyda ah waxay la miisaan ahayd kun oo xabo kuwa hadda… waa ay baxeen, oo Aadam soo gurtay oo shiiday oo haddana cajiimay oo ka sameeyey Muufo iyo Rooti oo cunay kadib marku ku hawshooday.

Dharkoodo kowaad wuxuu ahaa Suufka idaha oo ka sameystay jubad iyo canbuur iyo Masar madaxa ah uu u sameeyey Xaawo .. la soco casharada kale ee anbiyada.

COMMENTS