June 23, 2015 | Posted by admin

Waxaa la sheegaa in intaan Aadam la abuurin in ummadihi jiri-jiray ay ahaayeen 28 ummadood, ummadahaaso idin Alle asal ahaan ka abuurnaa Biyo, Hawo, Dab iyo Ciid, waxayna ahaayen kuwa ku kala dhalan-doorsan suurada ay lahaayeen .. Qaarkood waxay lahaayeen arag Libaax hasa ahaate lahaa madax Shimbiro, iyo qaar kale oo iyana fooda hore iyo jeegada dambaba ku lahaa waji iyo lugo badan sida hangaraaraca , luqadooda hadal waxay ahayd sida dhawaaqa shimbiraha, sido kale qaar ayaa lahaa suurada Eyada oo dhaga dhaadheer lahaa hadaaqoodana ahaa ham-ham .. kuwaa jiray u ekaa Dad laakiin shafka ayaa madaxu uga yaalay oo hadalkoodu ahaa foori-foori iyo iyo fiiq-fiiq, .. qaar baa Masas baalal waaweyn lahaa, qaar kale ee umadahaas la sheegay waxay u ekaayeen Qof jeex ah oo hal il, hal gacan iyo hal lug leh .. kuwa kale ayaa loo ekeysiiye dumar oo lahaa Timo iyo Naaso laakiin ma lahayn xubinta galmada, waxayna ku rimi jireen dabeysha oo ay dhalaan kuwa iyaga la mida. qaar kale ayaa la sheegay iney lahaayen wax u eg suurada Cantalyaaga.

Subxaana, Ummadahaas oo aragooda midba nooc argagax laga naxo lahaa hadana wey anshax xumaayeen, waxaa la sheegay in tarankoodi si bateen oo ay markii dambe noqdeen illa 120 ummadood.

Mar su’aal la weydiiyey amiirki mu’miniinta Cali bin Abi-Daalib (RC) oo la yiri ma jireen ummaddo Aadam ka hor oo caabudi jiray Alle weyne, waxuu ku jawaabay oo yiri Haa waa jireen oo ummaddo Jini ah qaar ka mida oo isaga duuli jiray cirka iyo dhulka ayaa jiray oo xirirkoodu cibaado iyo waxbarasho ku taxnaa malaaigta, hasa ahaate kooxo ka mida Jini-yadaas ayey dhulka ka sameyeen fasahaad oo ummadihi halkaa ku sugnaa iyo iyaga dhexdooda ay dagaal ku kiciyeen, dhiig badan daadiyeen, waana mida keentay in Alle weyne ummadahaas oo dhan gabagabeeyo dhulkana ka xaaqo oo markaas doortay inu Aadam ka abuuro dhoobo, ruuxiisa iyo suurad kuwi hore ka wanaagsan.

ibliis oo sida uu u abuuran-yahay jir weyn lahaa, magaciisa asalka waxaa la yiraahdaa Xaarith, Neynaastiisa loo yaqaan Abu-Mura, waxuu waagiisi hore kori jiray Samada oo la cibaadeysan-jiray malaaiigta,laakiin marku amarki iyo sajuudi la amray diiday murana keenay, waxaa Alle amray in malag ka mida malaaiigta inu ibiliiskaas macangaga ah dhulka geeyo, dagaal iyo isla rafasho kadibna ibliiskii isagoo suuradiisi la fool xumeeyey ayaa dhulka la soo dhigay.

Ibliis marku dhulka yimi, dhamaan qabiiladi Jiniyada arlada ku sugnaa markay arkeen suurada uu u egyahay oo fadareysan waa ay dafireen oo ka fogaadeen .. ibliis marku arkay in qoonkiisi aysan soo dhaweyn, wuxuu dagay Bad-weynta oo ka sameystay qalwad carshi ku sheeg ah, waxaana kursiga u ku fadhiyo kor u haya Cafaarid iyo Abbaalis waaweyn iyado Cafaarid Jin ka soo jeeda ay iyagana hareeraha ka fadhiyaan .. ibliis halkaas u daganyahay ayuu amarka ka bixiya oo wixi ereygiisa khilaafa ama ka gaabiya oo Jin iyo cafaarid ah waxuu ku xiraa jasiirado bada ku yaal oo isaga u gaara ah .. ibliis waxuu halkaas ugu dhal-dhala oo ugu tarma sida bani’aadamka isaga iyo dhashiisa dharaarti timaadaba aduunyada ka fuliyaan gantaalihiisa fasahaadka iyo walaaqa ka socda .

Culimada u ka mid yahay Shiikh Al-Mascuudi ayaa sheegta in Jinigu leeyahay 35 qabiilo oo sheydaanimo muteysatay, 15 ka mida waa nooc hawada duula, 10 qabiilo ka mid ah waa kuwa af ku dable ah, halka ay jiraan kuwa wax dhageysta oo ka kooban 30 qabiilo .. qabiil kasta oo kuwaas ka mid ah waxay leeyihiin boqoro iyo salaadiin ku amarta sharka iyo xumaanta.

Waxaa la xusaa in nooc ka mida Jiniyadaas ay suuradooda markay rabaan is badal ku sameyaan oo iska dhigaan Gabdho qurux badan amase Niman caadi ah oo dabadeed dadka insiga ah ku dhex milmaan xag guur iyo xag macaamil-ba, waxaana la sheega halboolayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga warshadaha waaweyn ee dunida ay intooda badan iyagu leeyihiin., iyaga dhexdoodana wey is yaqaanin .. hadda ka hor gabar jinsigaas iska dhalka ka mid ahayd ayaa caashaqday wiil soomali oo ku noolaa magalada toronto, oo ayaamo markay wada socdeen ayuu ka guuray oo la hadalkeedi xitaa ka sag-saagay, dabadeed wiilkii xanuun noociisa la garan-waayey ayaa haleelay waa jiraday takhaatiirtiina waa u caal-waayeen. waxaa la keenay magalada ottawa si akhris Qu’raan loo saaro, waxaa goobti qu’raanka lagu saaraayey soo gashay gabar qurux badan oo caadi ah, balse is cuncuneysa, waxayna weydiisay waxaa la akhrinaayo waxa ay yihiin .. gunaanad iyo wax sheeko la is dhaafsadaba waxay soo quftay wixii uurka kaga jiray oo tiri aniga jinsiga iska dhalka kanada ayaan ahay oo dalkaan awooda ugu badan ay iyagu leeyihiin, cala ay xaal wiilkii Alle waa caafimaadshay iyadiina ku tala galkeedi marku u socon-weyday dan u run sheegtay fulay roor baa ku dhacay .. Culimadu waxay xustay in saxaabi la oran-jiray Sacad bin Jubeyr u mar guursaday gabar noocaas ah oo caruur badan u dhashay hasa-ahaate markii dambe isagoo indhihiisa oo shan ah ay ka duushay oo ku tiri aniga dadkeygi baa ii dhawaaqay ee kaa tagey nabadey .. qaar ayaa jira isu ekeysiiya Masaska iyo Abeesooyinka Mas-cagaleyda ah oo hadaad disho adna wax kaa soo gaari-karaan, haddi aan Alle kaa badbaadin

Saxaabigi Ibn Cabaas ayaa laga wariyey oo yiri: bahalada inta badan waxay leeyihiin sifooyin Jini, oo xitaa Eyda laftooda xaga Jinka ayey ku lug-leeyihiin ee hadey arkaan idinkoo wax cunaaya wax u tuura oo iska jira ishooda inkaaran .. waxay leeyihiin naf oo indhaha ayey sida laysarka wax ugu cunaan, waxna ku haleeyaan ( il ama al-ceyn)

COMMENTS